Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Hawadii Soomaaliya ee lagu Wareejiyay Imaaraadka

Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Hawadii Soomaaliya ee lagu Wareejiyay Imaaraadka

0

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa beenisay in dal kale lagu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen warar sidaas sheegaya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku yiri “Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed.” 

Waxa uu intaas ku daray “Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.” 

“Waxaa nasiib darro ah in dano shakhsi ah oo aan laga fiirsan awgeed maanta loo burburiyo dhaxalkaas ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.”

Si kastaba warkaas ayaa waxaa beeniyey Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya. 

“Hawada Soomaaliya waa astaan qaran, waxayna sameysay horumar lataaban karo tan iyo markii ay kusoo laabatay gacanta Dawladda Soomaaliya. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanay suurtogal ahayn in HAWADA dalka ay gacan kale umaamusho Soomaaliya mana jiro qorshe ay Dawladdu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda. 

Warar maalmahan la isla dhex-marayey ayaa sheegayey in Imaaraadka Carabta lagu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya, balse wararkaas ayaa ahaa kuwa aan sal adag lahayn.

Waxaa sidoo kale jiray warar sheegayey in lacagaha hay’adda ay ka hesho diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya lagu shubo akoono dibadeed oo ku yaalla Imaaraadka Carabta, kuwaas aan weli caddeymo loo hayn.

Ad
Previous articleCiidamada Macawislayda oo Ka Baxay Guud ahaan Magaalada xarardheere
Next articleWar Deg Deg ah: Xildhibaan Abiib oo lagu Xiray Hargaysa iyo Xiisad Taagan