Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay amaradii ay Duldhigeen Diyarada ethopia iyo Dubai

Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay amaradii ay Duldhigeen Diyarada ethopia iyo Dubai

0

Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey awooda dowladda ee dhanka hawada iyo sababtii ka dambeysay amarro culus oo Hay’adda ka soo baxay maalmihii lasoo dhaafay.

Maareeyaha ee u waramay SNTV ayaa la weydiiyey sababta keentay Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai lagu amro inay Hargeysa raaciyaan magaca Soomaaliya, halka markii hore ay raaci jireen magaca Somaliland.

Wuxuu sheegay in diyaaradahaas ay ka soo dacwoodeen dadka Soomaaliyeed oo Website-kooda ku arkay magaca Somaliland oo dal madax-banaan ay ka dhigayaan, kadibna wuxuu sheegay in talaabadaan ay ka dhalatay.

“Madaxda Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai waxaan u cadeynay mowqifkeena cad iyo inay u hogaansamaan shuruucda dalka, waana u hoggaamsameen waan uga mahadcelineynaa,” ayuu yiri.

Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa ku faanay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u maamusho hawada dalka oo sida uu sheegay ka weyn dhulka.

“Hay’adda Duulista Soomaaliya, waxay gacanta ku heysaa 100% hawada u dhaxeysa Hindiya, Yemen, Ethopia, Kenya, Sishalis, xuduudkeena dhulka hawo ka badan ayaan si buuxda u maamulnaa, sababtoo ah dowladda Hindiya toos ayaan isugu wareejinaa hagitaanka diyaaradaha, maadaama ay dhanka hawada xuduud kala leenahay,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.

Sidoo kale Maareeyaha ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay 60% tahay bad, “40% kaliya ayaa dhul ah, intaas anaga ayaa maamulna waxaana ka soo saarnaa lacag, maadaama ay ka kireysan tahay diyaaradaha mara maalin kasta, hawada dalkeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Maareeyaha ayaa sheegay in diyaaradii wax u dhibeysa gobanimada ama jebisa shuruucda Soomaaliya ay ka celi karaan hawada dalkeena, iyadoo aan la adeegsaneyn hub iyo wax lamid ah oo la adeegsanayo shuruucda caalamka.

Booliska Puntland oo ka Warbixiyay Dagaal ka dhacay Magaalada Garoowe

Ciidanka Booliska Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad maanta ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo dhexmaray laba ciidan sababayna dhimashada labo askari iyo dhaawaca 5 kale oo labada

Xulalka Somaliya iyo Guinea oo ku kala baxay bar-baro kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa Xalay kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Aduunka ee sanadka 2026-ka ee kaga hortagay dhigiisa dalka Guinea oo ay ku kala baxeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta

Muuqaal Duube ka tirsan Kooxda Shabaab oo lagu qabtay Koonfur Galbeed

Wararka ka imaanaya Degmada Waajid ayaa sheegay in ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka hor tageen weerar ay Koox ka tirsan Al shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada maamulka Koonfur

Sirdoonka NISA oo Sheegay in Xubno ka tirsan Shabaab lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin looga bixiyay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Sabiid iyo Caanoole oo lagu bartilmaamaysaday horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda

Abiy Ahmed oo Sheegay in Itoobiya aysan Rabin Dagaalka Ereteriya si ay Bad u hesho

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.
Ad
Previous articleItoobiya oo Hadal Beer laxowsi ah kasoo Saartay Ciidamada Masaarida ee Soomaaliya Lakeenayo
Next articleDowlada Soomaaliya oo Hanjabaad Culus u dirtay Cali Dheere