Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dhinaca amniga ah, madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa lahadlay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxayna kala hadleen in amniga garoonka Kismaayo ay la wareegaan oo ay sugaan ciidanka Midowga Afrika, aana wax diyaarad ah laga celin karin.
Ra`iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya safar uu ku tago magaalada Kismaayo, iyadoo aysan ogoleyn dhinaca Madaxtooyada Jubbaland oo diidan in Xamse tago dhinaca Jubbaland oo uu kasoo jeedo.
ATMIS ayaa u sheegay dhinaca DFS, in aysan kaligood amniga garoonka gacanta ku heynin oo ay degan yihiin uun, balse ay jiraan ciidamo Jubbaland ah oo kusugan.
2019kii, sidan oo kale dawladda Faderaalka ayaa awoodeeda dhan iskugu geysay sidii ay u qabsan lahayd garoonka Kismaayo, iyadoo adeegsatay ciidamada Itoobiya ee kusugnaa magaaladaas, taas oo ay suuragali weyday markii ay is horjoogsaden ciidamada Jubbaland.