Howlgal militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (US AFRICOM) ayaa goordhow laga fuliyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen haraadiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Daacish ee Buuraleyda Calmiskaad, gobolka Bari ee dowlad-goboleedka Puntland.
Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howlgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan argagixisada Daacish. Wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS.
Qiimeyn kadib, faahfaahin dhammeystiran ayaa laga soo saari doonaa howlgalkaan, maadaama uu weli socdo howlgalkaan oo ah mid qorsheysan, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga howlgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.
Taliska AFRICOM ayaa horey u sheegay in 1-dii Febraayo 2025, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Daacish.
Howlgalkaas waxaa lagu dilay 14 xubnood oo Daacish ah, oo uu ku jiray horjooge sare oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maleninine, kaas oo mas’uul ka ahaa qorista xubnaha iyo aruurinta dhaqaalaha kooxda.
Sidoo kale, Puntland ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ka qayb qaatay duqeymaha cirka ee lagu bartilmaameedsaday Daacish. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar sheegtay in door muuqda ay ku leedahay howlgalka Puntland looga xoreynayo Daacish.
Dowladda Federaalka oo hadda shaacisay duqeynta caawa ka socota Calmiskaad ayaa ballan qaaday faahfaahin dhammeystiran kadib markii uu soo idlaado howlgalkaan. Sidoo kale, Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa looga bartay shaacinta xogta kama dambeyska ah ee howlgallada ay fuliyaan.