Dowlada Soomaaliya ayaa Heshay Halmar Diyaarado dagaal oo Badan Tan iyo burburkii Kadib Kadib Qaadistii Cunaqabataynta Hubka Soomaaliya ayaa helaysay Hub aan Horay Loogu Ogalayn Tan Iyo Burburkii Dowladii Dhexe ee Soomaaliya.
Diyaaradahaan Dagaalka ayaa Gaaraaya $4 Diyaaradood kuwaas oo Dowlada Soomaaliya Si Rasmi ah Shalay Usoo Gashay Gacantooda Diyaradaaha Dagaalka ayaa Waxaa Soomaaliya Ku wareejiyay Dowlada Talyaaniga Waana Guul wayn oo Usoo Hoyatay Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo alshabaab Doonaaya Inay Dagaal Uga Saraan Dalka.
Horay ayay Dowlada Soomaliya U heshay Diyaarado Dagaal oo Gaarayay Labo kuwaad oo Dowlada Turkigu Ugu deeqday Diyaradaahaan ayaa La Filayaa Inay Si wayn uga qayb qaataan Dagaalka Alshabaab looga saaraayo Dalka.
Dhanka kale Soomaaliya ayaa Garab Wayn ka heshay Dowlada Masar kuwaas oo Shalay Diyaarado waday Shixnadoo dagaal kasoo dajiyay Garoonka Muqdisho Taas oo Hordhac u ahayd Ciidamo Masaari ah oo gaaraya 10,000 oo askari oo maalmahaan Kusoo Wajahan Dalka Si ay uga qayb Qaataan Ladaagalan Alshabaab iyo ka Hortaga Damaca Itoobiya ee Bada Soomaaliya.
Itooobiya ayaana aad uga Carootay in Ciidamo Masaari ah Yimadaan Somaaliya Taas oo Sheegtay in la,aantted Masaari aysan imaan Karin Soomaaliya Balse Madaxweyne Xasan Shiikh oo Si wayn U diidan Damaca Itoobiya Ayaa Heshiis Mileteri Lagalay Masar Kuwaas oo La Qorshaynaayo in La Dajiyo Xuduud Hiiraan ee Soomaaliya.
Itoobiya oo Cabsi ka Qabta Ciidamadaan ayaa Saldhigwayn oo Meletir Ka Furatay Feerfeer ee Xuduudka Hiraan Kaaso oo Xataa La Keenay Diyaaradaha Dagaalka ee Itoobiya.