Dowlada Soomaaliya ayaa maantay Magaalada Raaskanbooni ka Dajisay Hub,Ciidan,Saanad iyo Xamuul kale Dulimaadka saakay ayaa ahaa Kii ugu Horeeyey ee daga kadib Markii axmed Madoobe amray in raaskanbooni diyaarad aysan tagi karin.
Digniintii Axmed Madoobe ayaa Gabi ahaanba waxba Ka Suurta galin waana Dhabar jab kale oo axmed madoobe usoo Hoyatay Sidoo kale Ciidamo Badan oo ka Tirsanaa Jubalad ayaa Ku biiray Ciidamada Dowlada ee ku sugan Raaskanbooni.
Sarkiishii Hogaaminaysay ee loo diray inay Raaskanbooni xabada Ka bilabaan ayaa Guud ahaanba Ka weecday dhanka Axmed Madoobe ayagoo Dhabarka Xajiyay lama Oga go,aanka uu qaadan Doono axmed Madoobe oo maraan Dareensan inuu xaalku sidii hore u ahayn.
raaskanbooni waxaa wali hawada ka maqan Qadka intenetka taas oo jubaand amartay in hawada laga saaro waana Amarka kaliya ee Jubaland oo Ka Hirgalay Raaskanbooni.
Axmed Madoobe ayaana Jimcihii u qabtay Ciidamada Dowlada inay ka Baxaan Raaskanbooni Mudo 15 Maalin ah Hadii ay ka Bixi waayana uu weerari doono lama Oga waxa Dhici Doona markii lagaaro waqtiga uu axmed Madoobe u qabtay Ciidamada Dowlada.
Khilaafka Dowlafa Soomaliya iyo Jubaland Ayaana Gaaray Meshii ugu saraysay balse xasan Shiikh waxaa aad u caawiyay oo u fududeeyey inuu ciidamo geeyo raaskanbooni aya la rumaysanyahay inuu yahay Raysulwasaare Xamse iyo Taliya Ciidamada Xooga ee lugta oo labaduba Kasoo Jeeda dhanka Axmed Madoobe.