Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Go,aan Ka Gaartay Arin Dadka Soomaaliyeed Dhib Wayn ku...

Dowlada Soomaaliya oo Go,aan Ka Gaartay Arin Dadka Soomaaliyeed Dhib Wayn ku Qabeen

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya.

Safiirka Hindiya Namgya Choden iyo Wasiir Fiqi ayaa kulankaan uga wada-hadlay fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga wadajirka ah ee labada dal oo ku kala yaalla qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Safiirka ayaa waxay wasiirka la wadaagtay in ay ka go’an tahay fududeynta codsiga dal ku galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan inay caafimaad u aadaan Hindiya, kaasi oo Soomaalidu dhib weyn ku qabto.

“Waa naga go’antahay inaan hubino in ay Soomaalidu si deg deg ah u heli karaan fiisaha, iyada oo aysan jirin cid kale oo na dhexdhexaadi doonta,” ayey tiri Namgya Choden safiirka Hindiya u joogta Soomaaliya.

Hindiya ayaa safka hore uga jirta dalalka ay dadka Soomaaliyeed u aadaan caafimaadka, hadana dhibaato weyn ayaa lagu qabaa sidii qof Soomaali ah uu Hindiya ku tegi lahaa.

Inta badan Soomaalida u socota Hindiya waxay aadaa Addis Ababa – Itoobiya, halkaas ka jartaan fiidaha ama dal ku galka Hindiya, dad badan ayaa cabasho ka muujiyey wareegaas dheer, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday in safarada Hindiya la fududeeyo.

Hadda waxaa xaaladda sii adkeysay arrinta Itoobiya iyo Soomaaliya oo dagaal culus oo diblomaasiyadeed uu ka dhex qarxay, dadka Soomaaliyeed waa ku sii dhibtoodeen helidda dal ku galka Hindiya, balse hadda waxaa muuqata in dowladda garowsatay inay raadiso xal deg deg.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Gaaray Deegaanka Laandheer oo Ay Ku dhinteen Ku dhawaad 60 Qof(Sawiro)
Next articleXisbullah oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Israa’iil