Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan duulaan ku aheyn Jubbaland, islamarkaana ay ciidamada u geysay si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Jubbaland ay siyaasadeyso ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in sawir khaldan lagu lifaaqayo ciidanka marka lagu tilmaamo kuwo burburinaya jiritaanka maamulkaasi.
Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Jubbaland ay qaadi doonto masuuliyadda isku dhac dhex-mara ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Jubbada Hoose, xilli Axmed Madoobe uu diyaarinayo in dagaal looga hortago ciidanka dowladda federaalka geysay halkaasi.
Sidoo kale wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay ku xoojisay dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ciidamo gaaraya illaa kun askari, kuwaas oo loo diray aagga Raaskambooni.
“Ciidamada dowladda marnaba duulaan kuma aheyn Jubbaland, balse wuxuu ujeedkoodu yahay in ay cirib-tiraan kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri wasiirka oo carabka ku adkeeyay in ciidamadan ay yihiin kuwa guulaha waaweyn ka gaaray dagaalladii Buulo Xaaji ee lagu jabiyay Shabaab-ka.