Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Dagaalkii lagu Hoobtay laguna Dilay Taliye liban Golcad oo...

Dowlada Soomaaliya oo Dagaalkii lagu Hoobtay laguna Dilay Taliye liban Golcad oo war Cusub kasoo saartay

0

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa faahfaahi dheeraad ah ka bixiyay weerar toos ah oo qaraxyo ku billowday oo ay maanta maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka hortageen ciidanka milatariga oo kaashanaya kuwa boolis milataaro oo iyana qayb ka ah howlgallada ka socda halkaasi.

“Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan guutada 22-aad eeBolisya milatare oo u diyaarsanaa weerarka khawaarijta  ayaa a iska Caabiyay maleeshiyaadkii  weerarka  Nafla-caarinimada  ah ku soo qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki ee hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay dowladda.

Sidoo kale taliyaha ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isaga intaas ku daray in ciidamadu ay hayeen xogta weerarkaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu tiro beel yahay, balse ay soo bandhigi doonaan xogta rasmiga ah ee waxyeelada gaartay.

Sarrreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ma soo hadal qaadin khasaaraha dhankooda soo gaaray, maadaama uu ahaa dagaalka mid culus oo ay ku dhinteen saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada ku sugnaa aagga lagu diraray oo u dhexeeya Muqdisho iyo Marka.

Saraakiisha dhimashadooda lasoo wariyay waxaa kamid ahaa sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Golcad), kaas oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu talagalay sugida amniga magaalada Muqdishio agagaarkeeda.

Taliyaha ayaa waxaa la dhintay ku dhawaad 10 askari oo kale, kadib markii weerar toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka soo weeraray.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ciidamada boolis milataaro iyo kuwa Xoogga dalka ay howlgalo ka waday duleedka magaalada Muqdisho.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Deni, Farmaajo iyo Shariif oo shirkoodii ka soo saaray qodob xasaasi ah
Next articleMid kamid ah Senatoradii Laga soo Doortay Galmudug oo Geeriyooday iyo Qoor Qoor oo ka Hadlay