Home Wararka Somaliya Jubbaland Dowlada Soomaaliya oo Ciidamo Farabadan u Daad Guraysay Gobalka Gedo Sabab?

Dowlada Soomaaliya oo Ciidamo Farabadan u Daad Guraysay Gobalka Gedo Sabab?

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh u dirtay gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgeli doono gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ciidamadan oo ah milatari ayaa laba diyaaradood lagu geeyay degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha gobolka joogta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay ciidamada howlgalka ATMIS kala wareegaan fariisamaha ay ku leeyihiin magaaladaas oo la filayo inay ka baxaan.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee la wareegitaanka amniga Ceelwaaq ayaa haatan ka socota halkaasi waxaana goobta ku sugan madax ka socota Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Ceelwaaq ayaa waxaa muddo dheer ku sugnaa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo haatan baxaya, wuxuuna qorshahan qayb ka yahay bixista ATMIS.

Horay ciidamada shisheeye ayaa uga baxay xerooyin dhowr ah, waxaana ugu dambeysay oo ay maalin kahor banneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle.

Sida uu qorshuhu yahay dhammaadka sanadkan ayaa lagu wadaa inay dalka isaga baxayaan ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga dalka, waxaana beddeli doono ciidamo cusub, sida ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo Ururka Midowga Afrika.

Howlgalka cusub oo ay hugaamin doonaan Midowga Afrika ayaa noqon doono mid diiradda lagu saarayo, sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa baabi’inta ururka Al-Shabaab.

Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalkaan uu si gooni ah u noqon doona “mid amni ku soo dabaala Soomaaliya, muhiimadiisuna tahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka ah.”

Ad
Previous articleGalmudug:Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa oo gurigooda lagu dhex dilay
Next articleDagaalka Xizbullah iyo Israel oo xoogeystay