Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Soomaaliya oo Ciidamadii Ugu Badnaa Udirtay Alshabaab laga Saari waayay Degmadaaan

Dowlada Soomaaliya oo Ciidamadii Ugu Badnaa Udirtay Alshabaab laga Saari waayay Degmadaaan

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamadii ugu badnaa oo ka baxay magaalada Muqdisho ay gaareen gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan difaaca hore ee loo dhigay Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray deegaano hoostaga degmada Ruun-nirgood, halkaas oo uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ujeedka ciidamadan oo ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa ah inay xoreeeyaan degmada Ruun-nirgood oo muddo dheer laga saari la’yahay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay howlgalladooda, wuxuuna sheegay inay kaabiga ku hayaan degmada Ruun-nirgood, ayna sugayaan amarka madaxda sare, si ay gudaha ugu galaan.

“Ciidan aad u xoog badan ayaa joogo, laakiin weli gudaha looma gelin degmada, waxaana la yiri illaa amar guud oo ka yimaada taliyaha Xoogga iyo madaxweynaha yaan la gelin” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab intooda badan ay ka baxeen gudaha degmada, maadaama ay ka war heleen gulufka kusoo wajahan iyo ciidamada gaaray halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka qarxo aagga degmada Ruun-nirgood oo ay hadda ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana looga qabsaday dhul ballaaran oo ay kamid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaamulka Koonfurgalbeed oo Si cad u Diiday in Ciidamada Itoobiya Dalka Laga saaro
Next articleSanbaloolshe oo Safarkiisii Ugu Horeeyey Maantay Ku Aaday Dal Soomaaliya ka Goostay Dhaqaalihii uu siin jiray