Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Beenisay inay Itoobiya Badsiinayso

Dowlada Soomaaliya oo Beenisay inay Itoobiya Badsiinayso

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u beenisay in Itoobiya ay u oggolaatay marin biyood ay ku gaarto badda cas,.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliyq Danjire Ahmed Moallim Fiqi oo qoraal kooban oo luqadda Ingiriiska ku qornaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka ee haatan loo yaqaan “X” ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin Wararka sheegaya ee ah in dalka Itoobiya loo oggolaaday marin biyood badda Cas ah

Wasiir Fiqi ayaa yiri sidan “Waxaan si cad u beeninayaa sheegashadda ah in Itoobiya loo oggolaaday in ay gasho Badda Cas, taasoo ah sheegashooyinkan aan sal iyo raadka toona lahayn oo ka maran wax aasaas ah, Soomaaliyana waxaa ka go’an ilaalinta Madax-banaanideeda dhuleed iyo xaqiijinta hufnaanta Arrimaha Qarankeeda”.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Deg Deg ku Gaaray Eriteeriya Xili ay ka carootay Heshiiskii ankara
Next articleSomaliland oo Ciidanka Liyuu Boolis ku eedeesay inay Xasuuq ka geesteen Dacawaley