Wasiirka amniga Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay dagaal maanta ka dhacay Kismaayo oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
“Waxaan rabaa inaan cambaareeyo weerarka uu Axmed Madoobe ku qaaday hoteelka ay daganaayeen siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah ee magaalada Kismaayo nabadda ku joogay” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbalad uu ka hurinayo dagaal sokeeye oo la’isaga horkeenayo dadka ehelka ah wada dega maamulkaasi.
“Arritan waxa ay tilmaameysaa sida Axmed uga go’an tahay inuu dagaal sokeeye ka dhex dhaliyo dadka ehelka ah ee ku wada nool Jubbaland” ayuu mar kale yiri Fartaag.
Wasiirka soo sii hadlaya ayaa ciidamada joogga Kismaayo uga digay inay ku milmaan siyaasad iyo in loo adeegsado in lagu fushado dano gaar ah.
Ilyaas Beddel Gaboose oo sidoo kale ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa dhowaan Kismaayo uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, wuxuuna kamid yahay xubnaha sida wayn uga soo horjeedo Axmed Madoobe.