Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Amar Kusoo Rogtay Dekedaha Dalka Soomaaliya

Dowlada Soomaaliya oo Amar Kusoo Rogtay Dekedaha Dalka Soomaaliya

0

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo.

Amarkaan waxaa horay u soo saartay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya, waxaana dalka laga joojiyey isticmaalka bacaha.

“Iyadoo la tiraacayo warqadda kasoo baxday Xafiiska Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee JFS, kuna taariikhaysaneyd 17/09/2024

Ujeedaduna ahayd wargelin ku saabsan joojin bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, Hay’adaha ay ku socoto warqadaan waxaa lagu wargelinayaa in aan Dalka lasoo gelin karin, lana dhoofin karin bacaha fudud ee halka mar ia isticmaalo laga bilaabo 1-da October 2024,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda dekedaha ka soo baxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, isla markaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah.

Ad
Previous articleMuxuu yahay difaaca gantaallada ee uu Mareykanka siinayo Israa’iil ka dib weerarkii Iran?
Next articleLaftagareen oo amray inaan La’aasin Askartii Habeen Hore lagu laayay Afgooye