Maraakiibta soo galaya ama isticmaala Soomaaliya ayey dowladda ku amartay in ay siteen calanka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran ee lagu wanaajinayo amniga qaranka iyo u hoggaansanaanta shuruucda dalka.
Sidoo kale waxaa la faray maraakiibta isaga kala goosha badda Soomaaliya inay marka hore “og” soo siiyaan maamullada dalka ka jira, una hoggaansamaan nidaamka ay u dejisay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda.
Awaamiirtan ayaa looga dan leeyahay in lagu kordhiyo kormeerka iyo xakameynta dhul-badeedka Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxay sidoo kale dowladda u aragtaa awaamiirtan cusub kuwo hoosta ka xariiqaya sida ay Soomaaliya u doonayso in ay ku xoojiso amniga baddeeda, loogana ilaalin lahaa falalka sharci darrada.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay Soomaaliya dhawaan heshiis difaac oo dhanka badda ah ay la saxiixatay dowladda Turkiga, iyada oo ka caawin doonta ilaalinta amniga baddeeda illaa muddo 10 sano ah.
Arrimahan oo dhan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya xoogga saarayso sidii meesha looga saari is-afgaradkii xad-gudubka ku ahaa qaranimada Soomaaliya ee Itoobiya ay gashay Somailand, kaas oo Addis Ababa u ogolaanayay inay soo gaarto biyaha dalkeenna.
Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo
Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay