Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya iyo kenya oo Wafdi Qarsoodi ah U diray Kismaayo

Dowlada Soomaaliya iyo kenya oo Wafdi Qarsoodi ah U diray Kismaayo

0

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa caawa kashifay qorshe uu wado madaxweyne Xasan Sheekh oo safar aan la shaacin dalka uga maqan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in maanta uu magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya.

Wuxuu sheegay in wadfigaas uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Kenya ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka.

“Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya isla Markana Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuuduu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Wafdigaan waxaa hoggaaminaya Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sidoo kale baahisay sawirrada xubnaha wafdigaan, arrintaan ayaa uga sii dari karta xiisadda Jubbaland iyo dowladda federaalka, maadaama uu Axmed Madoobe banaanka soo dhigay arrin la doonayey in si hoose loo xaliyo.

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa arrintaan ku macneeyey in Axmed Madoobe uusan hadda diyaar u aheyn in la xaliyo xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka, isla markaana ay ka go’antahayin doorasho dadban uu qabsado inta aan la xalin xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDoorashada Maraykanka oo Maantay loo Dareeray
Next articleXamse Cabdi Barre oo Deg Deg usoo Magaacabay BoosaskaWasiiradii Jubaland ee is Casilay