Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg ama website oo ku lahaayeen barta Internet-ka.

Sidoo kale dowladda ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay intaba, iyadoo xogtaasi ay sahli doonto in talaabo laga qaado sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaarada warfaafinta Somalia.

“Inta uu socdo hawlgalka baabi’inta nooc kasta oo Khawaarijtu u isticmaalaan warbaahin ahaan ayaa waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo  barood oo ay ka samaysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo” ayaa sidoo kale lagu yiri War saxaafadeedka.

Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha Internetka ah ee ayaa sheegay iney sidoo kale mar dhow rajaynayaan inay gacanta u soo galaan Website-yada kale eeal shabaab ku gudbiyaan wararkooda.

Linkiyada website-yada lala wareegay waxay kala yihiin.

dhaxalgal.net

warkiislamka.com

dhaxalgal.com

somalimemo24.com

somalimemo24.net

radioalfurqaan.co

dhaxalgalka.info

faafreeb.com

faafreeb.net

faafreeb24.com

faafreeb24.net

amirnur.com

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii
Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah