Dowladda Masar, ayaa bilowday in ay diyaariso ciidamo qeyb ka noqda howlgalka nabbad ilaalinta iyo xasillinta Soomaaliya, kuwaa oo la filayo in ay soo gaaraan Soomaaliya, si ay taageero buuxda u siiyaan ciidanka qalabka sida ee dalkeenna.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay kusoo dhaweysay guusha lagu soo gabagabeeyay tababarkii ugu horreeyay ee loo qabtay cutubyo ka tirsan ciidanka Masar, kuwaas oo dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa horey u ansixiyay ka qaybgalka ciidamada Masar ee AUSSOM. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida ay Masar uga go’antahay taageeridda amniga Soomaaliya iyo dhismaha awoodda ciidanka xoogga dalka, iyadoo loo marayo qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee AUSSOM.
Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa sidoo kale bogaadisay kaalinta Midowga Afrika iyo saaxibada caalamka ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga, isla markaana door muhiim ah ka qaadanaya dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.