Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

0

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis iyo taliyaha xabsiga ay maxaabiistaani ku jiran.

Kulanka labada masuul ayaa ahaa mid ay uga arinsadeen xaalada maxaabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada ku gobolkaas iyo sida suurtagalka ah ee looga qeybqaadan karo sii deynta ama cafinta dadkaasi oo isugu jira kuwo ku xukumn sanado iyo kuwo kale oo xukun sugayaal ah.

Cabdweli Xirsi Cabdulle Qunsulka Soomaaliya ee u jooga Sacuudiga ayaa kulanka kadib booqday qaar ka mid ah xabsiyada ay ku jiraan maxaabiista Soomaaliyeed, isagoo u kuurgalay xaaladda nolol ee muwaadiniinta xiran.

Qunsulka ayaa sheegay in dadka xiran ay isugu jiraan qaar xukuman, kuwo xukun sugayaal ah iyo kuwa aan weli maxkamad la saarin, islamarkaana dowladda Sucuudiga ay kala xaajoonayaan wadiiqooyin muwaadiniintan lagu sii dayn karo ama ugu yaraan loogu celin karo dalkooda Soomaaliya.

“Waxa jirta in marar badan badan labada dawladood ee Sucuudiga iyo Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii maxaabiistan loo sii dayn lahaa ama dalkoodii dib loogu celin lahaa. Laakiin wax badan kama suurtagelin waxaan se qabnaa rajo fiican” ayaa uu yiri Cabdiweli Xirsi Cabdulle.

Si kastaba ha ahaate dowladda Soomaaliya ayaa horay madaxda dalka Sacuudi Carabiya uga codsatay in lagu soo wareejiyo maxaabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalkaas, waxaana haatan uu rajo wanaagsan ka muujiyay Qunsulka in suurtagal tahay in maxaabiistaan dib loogu celin doono dalkooda Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob
Ad
Previous articleWasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada
Next articleCiidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad