Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo iska Fogeesay in Xiriir kala Dhaxeeyo Isreal

Dowlada Somaliya oo iska Fogeesay in Xiriir kala Dhaxeeyo Isreal

0

Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa si adag u heenisay inuu xiriir kala dhexeeyo Israa’iil, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Talaabiib ay sheegeen in xiriir la leeyihiin Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arimaha dibada Cali Balcad ayaa warbaahinta u sheegay ineysan waxba ka jirin sheegashada Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada Israa’iil ee ku inuu xiriir kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Wasiir Balcad ayaa si cad u sheegay in uu waxba iska badelin Mowqifka Soomaaliya ay ka taagan tahay siyaasadda Israa’iil, isagoona cadeeyay inuusan jirin wax xiriir ah oo Soomaaliya kala dhaxeeya Israa’iil.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Israa iil, Sharren Haskel ayaa Arbacadii sheegtay in dowladoodu ay xiriiro gaar ah la sameysay dowladda Soomaaliya.

Wasiir Sharren Haskel ayaa ku sheegtay xiriirka kala dhexaaya dowladda Soomaaliya inuu yahay mid salka ku haya dano wadaag ah oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa saameynta kooxda Xuutiyiinta ee Geeska Afrika.

Waxay sidoo kale sheegtay Sharren Haskel in wadamo badan oo Afrika ah uu xiriir kala dhexeeyo Talaabiib, islamarkaana ay iska kaashanayaan amniga iyo ka hortagga khataraha kooxo ay ka mid yihiin Xuutiyiinta dalka Yemen.

Warkan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda dalka Israa’iil ayaa hadal heyn badan dhaliyay, taasoo ku aadan tuhun ah in xiriir hoose uu u bilowday Soomaaliya iyo Israa’ill, hayeshee ugu dambeyn waxaa taas beenisay dowladda Fedraalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii inta la ogyahay Soomaaliya waligeed wax xariir dublumaasiyadeed ah lama yeelan maamulka Israa’iil, waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay marar badan si aan gambasho laheyn u muujisay iney garab taagan tahay qadiyada shacabka Falastiin.

Ad