Home Wararka Maanta Dowlada Shiinaha oo markii u horreysay jawaab adag ka bixisay wafdi...

Dowlada Shiinaha oo markii u horreysay jawaab adag ka bixisay wafdi ay dhawaan Somaliland u dirtay Taiwan

0

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa markii u horreysay jawaab adag ka bixisay wafdi ay dhawaan Somaliland u dirtay Taiwan, kuwaasi oo qeyb ka ahaa caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan oo dhacday 20-kii bisha May.

Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Shiinaha mowqifkiisu yahay “in Somaliland ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Shiinaha uma arka Somaliland dal, wuxuuna raacsan yahay xaqiiqada aas-aasiga ah ee ah in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenka in dowladdo badan, hoggaamiyayaal siyaasadeed iyo shakhsiyaad kale inay aaminsan yihiin mabda’a Shiinaha ee ka dhanka ah gooni isu-taagga Taiwan.

Hadalka kasoo yeeray Shiinaha ayaa imanaya xilli uu sanadihii dambe kor u kacay xiriirka Taiwan iyo Somaliland, oo labaduba sheegta inay yihiin dalal madax-banaan, taasi oo keentay in Hargeysa ay martiqaad heer sare ah ka hesho munaasabadda caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan ee dhawaan la doortay.

Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

Shiinaha iyo Somaliland ayaa horey marar badan hawada isku mariyay hadallo kul-kulul, ayada oo xiisaddooda kasii dartay markii ay xukuumadda Hargeysa ee u hoggaamiyo Muuse Biixi xiriir la yeetay Taiwan oo Shiinaha u aqoonsanyahay qayb kamid ah dhulkeeda.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleKoonfur Afrika oo qarka u saaran waa’ cusub oo siyaasadeed
Next articleWar Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in Ciidamada Itoobiya Dalka Soomaaliya laga Saraayo