Home Wararka Caalamka Dowlada Qatar oo Sharuud ku xirtay dib u bilaabida Wada-hadalka Xamaas iyo...

Dowlada Qatar oo Sharuud ku xirtay dib u bilaabida Wada-hadalka Xamaas iyo Israel

0

Dowladda Qadar ayaa Israa’iil hordhigtay shuruud ku adag oo haddii ay fuliso dib loo billaabi karo wadahadalkii ka socday Dooxa ee lagu raadinayay xabbad-joojinta Gaza iyo Maxaabiis is dhaafsiga Xamaas & Yuhuudda.

Xukuumadda Qadar ayaa sheegtay in ugu horrayn Israa’iil ay ka doonayso raalligelin buuxda oo ay ka siiso duqayntii dhowaan ay ka fulisay Magaalada Dooxa

Haddii ay fuliso qodobkaas ayey Qatar sheegtay in dib loo billaabi karo wadahadalkii ka socday dalkeeda.

Sida ay ku warrantay Axios Media, Qadar waxaa ka go’an in ay afka Israa’iil kala dhex baxdo qirasho iyo qoomamayn ay ka muujinayso duqayntii ay ku beegsatay madaxda ka tirsan Xamaas ee Dooxa Joogay balse ka badbaaday shirqoolkaas.

RW Netanyahu ayaa horey ugu hanjabay iney sii wadi doonaan beegsiga xubnaha Xamaas ku metelaya wadahadalka ee ku sugan Doha taasoo ka careysiisay dowlada Qatar oo shaacisay iney joojisay dhexdhexaadintii Xamaas iyo Israel

Ad