Home Wararka Maanta Dowlada oo War Cusub Kasoo Saartay Shirkii Golaha Wadatashi Qaran

Dowlada oo War Cusub Kasoo Saartay Shirkii Golaha Wadatashi Qaran

0

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaciyay in dib la isugu soo laaban doono shirka golaha wadatashiga qaran, oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho.

Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa dib la isugu soo laaban doono 26-ka bishan October, iyadoo ka horna ay sii socon doonaan wadatashiyada madaxda, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho 2-dii bishaan ayaa weli sii wada wada wada-tashiyadii ku saabsanaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Shirkan oo madaxda qaranku diiradda ku saarayeen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan dagaalka Khawaarijta, dhameystirka hanaanka dimuquraadiyeynta iyo fulinta heshiisyadii hore ee golaha ayaa waxaa sii socon doona wadatashiyada madaxda, iyadoo dib la isugu soo laabanayo 26-ka bishan October.”

Qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa imanaya xilli la filayay inay madaxda soo saaraan war-murtiyeedka shirka, maadaama uu horey u sheegay ra’iisul wasaare Xamza inuu si habsami leh ku socdo shirkaan oo soo bilowday horraantii bishaan.

Shirkaan ayaa wajahayay caqabado xoogan, kadib markii la’isku mari waayay qodobada qaar, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaana dhawaan isaga baxay madaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday in la sameeyo muddo kororsi, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin qof iyo cod ah, wuxuuna ku adkeystay in Jubbaland uu ka qabanayo doorasho dadban oo ku dhacda waqtigeeda.

Ad
Previous articleCiidamada Cirka Soomaaliya oo Ku Biiray Dagaalka Dalka looga Saaraayo Alshabaab
Next articleWafdi Culus oo Kasocda Masar oo Kusoo Wajahan Muqdisho