Home Wararka Maanta Dowlada oo soo bandhigtay Magacyada Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ee Duqeynta lagu...

Dowlada oo soo bandhigtay Magacyada Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ee Duqeynta lagu dilay

0

Taliska Militariga Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku faah faahiyay magacyada horjoogayaal iyo nabadoono ka tirsan Al shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday bartamaha Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya xuuraanka NISA, ayaa qaaday howlgal dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka howllgalkaasi oo si gaar ah loola beegsaday horjoogayaal iyo nabadoono ku sugnaa deegaanka Dib-dheer ee Degmada Ceel-Buur Gobolka Galguduud.

1. Axmed Macalin – Horjoogihii Al shabaab ee degmada Ceel-Buur.
2. Abuu Salmaan – Horjoogihii Al shabaab ee deegaanka Ceel-Garas, Galgaduud.
3. Xuseen Cali Badal – Horjoogihii Al shabaab ee deegaanka Xiindheere.
4. Budul Faarax Geedi – Horjoogihii Al shabaab ee deegaanka Ceel-qooxle.
5. Sakariye – Horjooge ka tirsanaa Al shabaab Galgaduud.

Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno kale oo nabadoono ah kana shaqeeynayay marin habaabinta bulshada degaanadaasi kuwaasi oo ay kamid yihiin.

1. Mire Cagdheer – Horjooge ka tirsan Al shabaab.
2. Muuse Cumar – Horjooge ka tirsan Al shabaab.
3. Maxamed U Rur – Horjooge ka tirsan Al shabaab.
4. Xaaji Bashiir – Horjooge ka tirsan Al shabaab.

Taliska ciidanka xooga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu daba socdo weerarkii taariikhdu markii ay ahayd 13-kii Maarso 2025, markaas oo Macawiisleyda degaanka ay si toos ah ula dagaalameen Al shabaab  ku sugnayd tuulada Bay-Caadle.

Ujeedka horjoogayaashu ay ugu sugnaayeen Maalin Nugur ayaa la xiriiray isku day ay ku doonayeen in ay ku cadaadiyaan shacabka Soomaaliyeed si ay ugu biiraan kooxda Al shabaab, iyaga oo baadi-goob ugu jiray geesiyaashii Macawiisleyda ee weerarka qaaday.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Degmada Cadale kula afuray Madax kala duwan iyo Saraakiil:- Sawiro
Next articleGudiga Doorashada Somaliya oo Sheegay in Bisha June La Qabanayo Doorasho Qof iyo Cad ee Dowladaha Hoose