Home Wararka Maanta Dowlada oo soo bandhigtay Gadiid Farabadan oo Alshabaab looga Gubay Dagaalkii Ceel...

Dowlada oo soo bandhigtay Gadiid Farabadan oo Alshabaab looga Gubay Dagaalkii Ceel Cali axmed(Sawiro)

0

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ku guuleystay inay gubaan, qaarna soo furtaan dhamaan gaadiidkii dagaalka ee ay wateen Alahabaabkii soo weerartay deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa laayey horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii Alshabaab, halka firxadka intii nolosha ku baxsatay ay ku sii raad-joogaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo maanta howlgallo culus ka wada qeybo badan oo kamid ah Hirshabeelle.

Dagaal geliyihii guud ee Maleeshiyaadka Khawaarijta, dhagarqabe Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisoow (Xasan Gureey) iyo horjoogayaashii kale ee dagaal gelinta u qaabilsanaa Khawaarijta oo lagu kala magacaabo Daahir Buuxsade, Khaalid Jiis, Anas iyo Casaam ayaa la xaqiijiyey in lagu laayey deegaanka Ceel Cali Axmed, waxaana warbaahinta loo soo bandhigay meydadkooda.

Ad
Previous articleGalmudug oo inkabadan 35 Gadiid Dagaal iyo Ciidamo usoo Dirtay Degmada Ceelbaraf oo Alshabaab markale Qabsadeen.
Next articleRaysulwasaare Xamse oo Shaaciyay in Axmwd Madoobe Qas ka Dhexe Wado Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya