Home Wararka Maanta Dowlada oo sheegtay in Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ay ka Qaxeen Jilib

Dowlada oo sheegtay in Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ay ka Qaxeen Jilib

0

Jahwareer xoogan ayaa soo wajahan Al shabaab kii Jilib kusugneyd wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Soomaaliya ay Degmadaasi ka fulisay duqeymo lagu bartilmaamaysaday xarumo muhiim u ahaa kooxda sidoo kalena lagu dilay tiro kamid ah dagaal yahanada Al shabaab.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in Ilo xog-ogaal ah ay kusoo warameen in horjoogeyaasha Al shabaab ay bilaabeen inay ka qaxaan magaalada, iyaga iyo qoysaskooda, isla markaana raadinayaan goobo cusub oo ay ku dhuumaaleystaan.

Waxaa la rumeysan yahay in tiro horjoogeyaal ah iyo boqolaal Al shabaab ka tirsan ay ku dhinteen weerarada Ciidamada Qalabka Sida ay ku qaadeen degmada Jilib, iyadoo boqolaal kale oo dhaawaca Al shabaabna ay ku dayacan yihiin magaaladaas sida uu baahiyay telefishinka Qaranka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa markale waxa ay ugu baaqday maleeshiyaadka Al shabaab in fursadda keliya oo ay haystaan ay tahay inay isku soo dhiibaan dowladda, isla markaana ay ku tusaale qaataan dayaca dhalinyarada la soo marin habaabiyey ku qabsadey Jilib, oo boqolaal ay naftooda ku waayeen, kuwo intaas ka badanna ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celisay in Degmada Jilib iyo dhammaan goobaha ay ku sugan Al shabaab ay yihiin bartilmaameed milateri oo waqti kasta weeraro lala beegsan karo.

Warbaahinta Dowladda ayaa baahiyay in Dowladda Soomaaliya ay ka war hayso kala carar iyo qax ay ka bilaabeen horjoogayaashii ugu sareeyay ee Kooxda Al shabaab Magaalada Jilib ee Gobola Jubbada dhexe halkaasi oo aheyd xaruntii ugu weyneeyd ee Al shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleBooliska Puntland oo ka Warbixiyay Dagaal ka dhacay Magaalada Garoowe
Next articleWarbixin laga soo saaray Shil Diyaareed oo ka dhacay Duleedka Muqdisho