Home Wararka Maanta Dowlada oo sharuud ku Xirtay in Axmed Madoobe ka Qeyb galo Shirka...

Dowlada oo sharuud ku Xirtay in Axmed Madoobe ka Qeyb galo Shirka Wada-tashiga

0

Magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa in 1-da bisha May ka furmo shirka Golaga Wadatashiga Qaran, ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada, shirkan ayaana looga hadli doonaa arrimo xasaasi ah.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran , ayaa lagu casuumay madaxda dowlad goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, oo dowladda Federaalka aysan u aqoonsaneyn Madaxweyne, kaddib doorasho muran badan dhalisay oo ka dhacday Kismaayo.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka, General Cabdullaahi Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uusan kamid aheyn madaxda shirka lagu casuumay, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka aysan ninkaasi u aqoonsaneyn in Madaxweyne yahay.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe isku caleemo saaray doorasho aan sharci aheyn oon waafaqsaneyn dastuurka dalka, waxa uuna xusay in Axmed Madoobe hal shardi uga xiran tahay in uu ka qeybgalo shirka Golaha Wadatashiga , taa oo ah in uu ka laabto doorashadii sharcidarada aheyd uu kusoo baxay.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda qorshaha ugu jirto in doorashooyinka golaha deegaanka ay ka qabato deegaannada Jubbaland, waxa uuna caddeeyay in lix degmo oo katirsan gobolka Gedo iyo labo degmo oo katirsan Jubbada Hoose in doorashooyinka ka dhacayaan.

Wasiirka, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay qabashada doorashooyin ka dhaca deegaannada Jubbaland xitaa haddii ay caqabado siyaasadeed uga yimaadaan maamulka Jubbaland iyo hoggaankiisa ugu sarreeya.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayaa lasii ogyahay in aysan ka qeyb gali doonin Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaa oo horey u shaaciyay in xiriirka u jareen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymahan ayaa

Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadan sheegay in wada hadal wax ku ool ah uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Raysal

Dowlada Israel oo Qiratay Dilka Samafalayaal lagu dilay GAZA

Milatariga Israel ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore. Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay

Galgaduud oo lagu dilay Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.
Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in madaxweyne Deni uu ka qeyb galayo shirka Wadatashiga
Next articleGalgaduud oo lagu dilay Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug