Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan rasmi ah kula yeeshay dhiggiisa Masar, Cabdifataax Al-Sisi, qasriga Al-calamayn ee dalkaasi iyagoona kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo istaraatiiji ah, iyagoo isku afgartay dardargelinta iskaashiga shacabka iyo dowladuhu.
Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay dhawaan dib uga furi doonto Muqdisho safaarad, taasoo muujinaysa mudnaanta xiriirka labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahadceliyay taageerada Masar ee dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga milatari.
Labada Madaxweyne ayaa isla meel dhigay in la dedejiyo fulinta heshiiskii ay saxiixdeen Agoosto 2024, Madaxweyne Al-Sisi wuxuu mar kale muujiyay taageerada Masar ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee dhinaca midnimada iyo horumarka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay habmaamuuska martigelin ay u sameeysay Dowladda Masar, isagoo muujiyay sida ay dowladiisa uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal