Home Wararka Maanta Dowlada Masar iyo Faransiiska oo ka hadlay Heshiiska Somaliya iyo Itobiya

Dowlada Masar iyo Faransiiska oo ka hadlay Heshiiska Somaliya iyo Itobiya

0

Madaxweyne Masar Al Sisi, oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa xusay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya uga taageeri laheyd in la gaaro amni iyo xasillooni

Al Sisi ayaa sheegay in arrintaas loo maraayo “iskaashi laba geesood ah” oo ay horay u galeen Muqdisho iyo Qaahira ama ka qaybgalka hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika marka ay Soomaaliya codsato.

Madaxweyne Sisi waxa uu intaa ku daray inuu si dhaw ula socdo heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya ee Turkiga fududeeyay, isagoo rajo ka muujiyay in heshiiskani uu qayb ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu noqdo mid waafaqsan mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha Faransiiska oo lumiyay kaalintiisii Milatari iyo siyaasadeed ee Africa ayaa dhawaan la kulmay Abiy, waxa uuna Masar kala hadlay xiisada sii kordhaysa iyo waxa Masar ugu yeertay in aan “gorgortan laga galayn amniga Qarankeeda iyo xasiloonida Badacas”.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaareen heshiis lagu xalinayo khilaafkooda, kaasoo socday tan iyo bilowgii sanadkan, iyadoo heshiiska ay dhexdhexaadineysay Ankara.

Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanaysay tan iyo bishii January, taas oo ka dhalatay heshiis dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland oo la isku dhaafsanayey marin badeed iyo aqoonsi.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan
Ad
Previous articleDoorku Maraynkanku kulahaa Heshiiskii anka ee Itoobiya iyo Soomaaliya iyoSida loo qancin Doono Masar Jabuuti iyo Ereteriya?
Next articleDowlada Itobiya oo Bilowday Qorshe ay ku Fashilineyso howlgalka AUSSOM