Mareykanka wuxuu fuliyay weerarkii ugu horreyay oo ka dhacay xeebaha dalka Venezuela, kaddib markii maraakiibta dagaal ee Mareykanka ay rasaas ku fureen dooni ay ku sheegeen in loo aqoonsaday inay adeegsanayeen kooxo argagixiso ah oo maandooriye waday,
Weerarka ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawac gaaray Kooxda markabkaa la socotay, sida uu warbaahinta u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio oo sidoo kale ah la-taliyaha amniga.
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in 11 qof lagu dilay weerarka ay ku qaadeen markab ka yimid dalka Venezuela oo la sheegay in uu sidey maandooriye sharci darro ah
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay iney fuliyeen howlgalkii ugu horeeyey ee la ogaado tan iyo markii maamulkiisa uu dhawaan maraakiib dagaal geeyey koonfurta Caribbean-ka.
“Waxaan kaliya, daqiiqadihii ugu dambeeyay, si dhab ah u toogannay doon, sidday daroogo badan,” ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad.
“Waxaa jira meelo kale oo badan oo ay ka yimaadeen. Waxaan haynaa daroogo badan oo ku soo qulqulaya waddankeena, oo soo galaya muddo dheer … Kuwani waxay ka soo baxeen Venezuela.” ayuu yiri
Waxa uu markii dambe la wadaagay muuqaal uu ku baahiyey bartiisa bulshada oo ahaa muuqaal laga soo qaaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo doomaha dheereeya ee badda ku qarxaya ka dibna gubanaya.