Home Wararka Maanta Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed...

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

0

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise, oo hoggaamiye sare ka ah kooxda Daacish.

Khadra Ciise, oo loo yaqaano Ummu Qacqaac Soomaaliya, xogteedana lagu daabacay bogga waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in ay tahay muwaadinad Dutch ah oo asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay inay taageertay weerarro ismiidaamin ah iyo dilal lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Intaa waxaa dheer, Khadra Ciise ayaa lagu tuhunsan yahay inay faafisay fikirka xagjirka ah ee kooxda ISIS, islamarkaana ay kaalin ku lahayd qorista xubno cusub oo kooxdaas ku biiray.

“Haddii aad hayso xog muhiim ah oo horseedi karta in la helo Khadra Ciise, waxaad noqon kartaa qof u qalma abaalmarintan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.

Sidoo kale, Khadra Ciise waxaa la sheegay inay xannaanayn jirtay carruur la afduubay. Sannadkii 2019, waxay gacanta ku haysay labo ilmo Mareykan ah oo kala ahaa Yusuf iyo Zahra Shikder, kuwaas oo ay u qaadday meel aan la garanayn oo ku taalla Suuriya kaddib geeridii hooyadood oo lagu dilay duqeyn lagu qaaday ISIS.

Lama oga halka ay ku sugan tahay haweenaydan, hase yeeshee Maraykanka ayaa ku daray liiska dadka loogu doonista badan yahay ee madaxooda la duldhigay malaayiin dollar.

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob
Ad
Previous articleMaamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag