Home Wararka Maanta Dowlada Kenya oo ka laabatay go’aan ay ka qaadatay socdaalka Soomaalida 10...

Dowlada Kenya oo ka laabatay go’aan ay ka qaadatay socdaalka Soomaalida 10 sano ka hor

0

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furayso xuduudka Mandheera ee Soomaaliya ay la wadaagto, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo ammaanka xuduudda labada dal iyo la-dagaallanka badeecooyinka kotorobaanka ah ee aan la ogoleyn.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in qorshaha dib loogu furayo xuduuda aagga Mandheera ay la wadaagto Soomaaliya uu heer gaba-gabo ah marayo, kadib wadatashi heer sare ah oo labada dal ay yeesheen.

Wasiirka amniga gudaha Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandhera ayaa sheegay in dib u furista goobta laga gudbo ay wax badan ka badali doonto ammaanka xuduuda, isla markaana ay joojineyso dhaq-dhaqaaqa badeecadaha koontarabaanka ah ee loo isticmaalo in lagu maalgeliyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada.

“Waxaan faray kooxaha ammaanka ee gobolka inay la fariistaan ​​hay’adaha dowladda ee halkan u jooga oo ay ka mid yihiin kastamka, socdaalka, ayna qiimeeyaan shuruudaha oo ay ku soo gudbiyaan macluumaadka muddo toddobaad gudihiis ah, si ay noogu suurtagasho in aan dib u habeyn ku sameyno xaruumaha xuduudaha oo aan dib u bilowno soohdinta,” ayuu yiri wasiir Kindiki.

Dowladda Kenya ayaa xirtay dhammaan soohdimaha rasmiga ah ee ay la wadaagto Soomaaliya sanadkii 2012-kii, si ay u joojiso duullaanka Al-Shabaab oo ka carootay howlgalka ay ciidanka Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya. Goobaha la xiray ee xuduudka waxaa ka mid ah isgoyska Mandheera iyo marinadii Lamu, Wajeer iyo Gaarisa.

Xiritaankaas ayaan dadka safarka ah ka joojinin in ay si sharci darro ah xadka uga gudbaan ama ay alaab kotorobaan ah u dhoofiyaan gudaha Kenya.

Wasiirka Amniga Kenya ayaa cadeeyey in qorshaha lagu furayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya uu u wakiishay kooxda amniga ee Kowntiga, kuwaas oo soo ogaanaya, kana hor-tegi doona dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka hubeysan ee ku dhuumaaleysta aagga xuduuda labada dal.

“Waxaan farayaa kooxda amniga ee Kowntiga in ay la fariistaan ​​madaxda siyaasadda iyo odayaasha qorshe ay hagi doonaan madaxda bulshada iyo odayaasha, si looga sifeeyo maleeshiyada hubeysan ee Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari,” ayuu yiri Wasiir Amniga Kenya Mr. Kindiki.

Wasiirka oo khudbad u jeediyay hogaamiyayaasha la doortay ee Mandheera iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay in odayaasha ay ka qeyb qaataan howlgallada amniga lagu xaqiijinayo.

Shantii sano ee la soo dhaafay, gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa ka dhacay weerarro xiriir ah oo ay geysteen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee kooxda Al-shabaab ay ka fulisay gobolkaas ayaa Jaamacadda Gaarisa ka dhacay sanadkii 2015-kii, waxaana lagu dilay ugu yaraan 150 qof oo arday u badnaa.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleGacan ku Dhiiglihii Dilay Salaad Maxamuud Cabdulle oo Gacanta lagu Soo Dhigay
Next articleTahriiyabayaal Ku Dhintey Doon Ay Saarnaayeen Oo Ku Degtey Badda Mediterranean