Home Wararka Maanta Dowlada Jabuuti oo dalkeedi ka musaafurinaysa dadka kasoo jeeda Soomaaliya iyo Yemen

Dowlada Jabuuti oo dalkeedi ka musaafurinaysa dadka kasoo jeeda Soomaaliya iyo Yemen

0

Dowladda Jabuuti ayaa bilawday xariga iyo masaafurinta muwaadiniinta Yemen iyo kuwa Soomaalida iyo dadka kale ee u dhashay Ethiopia, kadib markii ay ku xad gudbeen sharciga degenaanshaha iyo shaqada.

Tallaabooyinkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii xumaanayso xaaladda amni iyo dhaqaale ee ka taagan wadamada muwaadiniintaan la musaafurinayo ay horey naftoodi ugala soo carareen, taasoo keentay walaac xooggan oo caalami ah.

Dalka Jabuuti oo dhaca Geeska Afrika ayaa waxaa soo gaaray qaxooti badan oo Yemeni ah tan iyo markii uu billowday dagaalka Yemen siddeed sano ka hor.

Tirada Yemeniyiinta u soo qaxday dalka Jabuuti ayaa lagu qiyaasaa tobanaan kun, iyadoo ay u sii dheer tahay qaxootiga ka soo qaxay dalal kale oo Afrikaan ah sida Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya oo ka soo qaxay colaado iyo cadaadis dhinaca nolosha ka qabsaday.

Ilo maxalli ah iyo dadkii ka badbaaday masaafurinta ayaa sheegay in ololahan ay ka mid ahaayeen howlgallo lagu qaaday xeryo la deggan yahay oo aan rasmi ahayn, boqolaal qof oo la xiray, iyadoo Dowladda Jabuuti ay qorsheeneyso in muwaadiniinta ay u kala dirto wadamadoodi.

Hay’adaha Samafalka ayaa ka digay khatarta soo food saartay dadka barakacayaasha ah, gaar ahaan haweenka, carruurta iyo dadka da’da ah, haddii ay dib ugu laabtaan goobaha colaadda ay ka jiraan gaar ahaan kuwa Soomaalida iyo Yemeniyiinta.

Hay’adahan ayaa sidoo kale ku baaqay in la xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee dadka soo galootiga ah iyo qaxootiga, isla markaana aan loo musaafurin meelaha aan ammaanka ahayn.

Ad
Previous articleSweden:- Waalid Xabsi ku Wajahaya Dayaca Ilkaha ee Caruurtooda iyo Maxkamadeyntooda oo bilaabatay
Next articleMacawiisleeyda Gobolka Hiiraan oo kaabiga ku haaya degmada Aadan Yabaal