Dowladda Itoobiya ayaa mar kale xoogga saartay in helitaanka marin-badeed uu yahay baahi qaran oo aan laga maarmi karin, taas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga gobolka, koboca dhaqaalaha, iyo ilaalinta xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.
Warbixin ay soo bandhigtay dawladda iyo khubaro taageersan ayaa lagu sheegay in baahida Itoobiya ay ku salaysan tahay sharci caalami ah, caddaalad taariikhi ah, iyo mabda’a iskaashi ku dhisan.
Dowladdu waxay ku dooday in Itoobiya oo hadda leh in ka badan 120 milyan oo qof ay u baahan tahay marin-badeed si ay u ilaaliso danaha qaranka, u dardargeliso kororka dhaqaalaha, ugana qayb qaadato xasilloonida gobolka.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, oo warbixinta qayb ka ah, ayaa sheegay in dalabka Itoobiya ee marin-badeedku uu leeyahay saldhig sharci, taariikhi, juquraafi iyo dhaqaale, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dadaallada diblomaasiyadeed ay sii socon doonaan.
Mas’uuliyiinta iyo khubarada la shaqeysa dowladda, oo ay ka mid yihiin Tilahun Tefera oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Siyaasadda Itoobiya (PSI), ayaa ku sheegay luminta xeebta cadaalad-darro taariikhi ah oo u baahan in la saxo.
Waxa uu ugu baaqay aqoonyahannada, warbaahinta, diblomaasiyiinta iyo qurbo-joogta Itoobiya inay si buuxda u taageeraan qadiyadda marin-badeedka.
Sidoo kale Gashaw Ayferam oo ka tirsan Machadka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in luminta marin-badeedka ay ka dhalatay cadaadis dibadeed iyo tabar-darro gudaha ah, isaga oo ku adkaystay in soo celinta marin-badeedka ay Itoobiya u aragto arrin qaran oo lama huraan ah.



