Home Wararka Maanta Dowlada Itoobiya oo Wasiir Fiqi iyo Madaxda soomaalida ku Tilmaamtay Dad aan...

Dowlada Itoobiya oo Wasiir Fiqi iyo Madaxda soomaalida ku Tilmaamtay Dad aan Dowladnimada Waxba Ka Aqoon

0

Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya oo shir jaraa’id kuqabtay magaalada Addis Ababa, goor dhaw ayaa ka hadlay xaalka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo hadlayay 18 daqiiqo ayuu soo qaaday 4 qodob.

– Xogta wada hadalka Ankara iyo Nairobi, ayuu sheegay in dhankooda ay diyaar u ahaayeen xal, balse sababaha loo heshiin wayay ay kamid tahay ergada ay dirsatay Soomaaliya oo uu ku eedeeyey Tayo xumo iyo xalalka oo uu sheegay in ay balaarinayeen oo ay abuurayeen wax aan meeshaba oolin.

– ⁠Madaxda DFS Iyo xubnaha wada hadalka loo diray ayuu kusifeeyey kuwa aan dawladnimo waxba ka aqoon una dhaqmaya sidii in ay NGOs yihiin, go’aanada Soomaaliya ayuu sheegay in aysan dawladnimo shaqo ku laheyn oo ay madaxdu yihiin kuwa Activistayaal ah.

– ⁠Itoobiya ayuu sheegay in ay Soomaaliya u hurtay wax kasta, dhiig loo dhintay, lacag & hub si nabada & dawladnimada loo saldhigo, laakiin ay Muqdisho ay abaal celin sameyn weyday, madaxduna u dhaqmayaan sidii dad suuqa jooga, oo aan go’aan dawladeedba eegeyn.

– ⁠Argagixisada Soomaaliya, ayuu kusifeeyey in ay noqotay Kooxaha ugu taajirsan ee Caalamka joogta, wuxuu sheegay in Itoobiya ay si adag ula dagaalantay oo ay ka shaqeysay in meesha laga saaro, laakiin madaxda Soomaalidu aysan daacad ka aheyn la dagaalankooda oo ay mar kasta ka shaqeeyaan wax aan Argagixisada soo afjareyn.

– ⁠Imaanshaha Masar ayuu sheegay in aysan maslaxo iyo dan midna u aheyn Soomaaliya iyo Gobalka Geeska Afrikaba, Itoobiya ayuu sheegay in ay indhaha kuhayso dhaqdhaqaaqyada uu sheegay in aysan caafimaad qabin, oo aysana gacmaha ka laaban doonin.

Ad
Previous articleCeerigaabo Dad Hor leh Xalay ilaa Maantay lagu Laayay
Next articleCabdiqani Daahir Shire oo Fal Dadka Muqdisho ka Caroodeen Sameeyey oo lasoo Qabtay