Home Wararka Maanta Dowlada Itoobiya oo markii ugu horeysay ka hadashay doorashada Somaliland

Dowlada Itoobiya oo markii ugu horeysay ka hadashay doorashada Somaliland

0

Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay doorashada Somaliland, ayadoo farriin u dirtay shacabka maamulkaasi.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa ugu horeyn lagu amaanay sidii ay u dhaceen doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururada siyaasada ee Somaliland, taas oo laba maalin kahor u dareereen shacabka weynaha Somaliland.

Doorashooyinkan ayey Itoobiya ku tilmaamtay kuwo “xor iyo xalaal ah” waxayna komishanka doorashooyinka Somaliland ku bogaadisay sida uu u maamulay doorashooyinka maamulka.

“Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya waxay shacabka Somaliland ugu hambalyaynaysaa qabashada doorashadii nabada iyo dimuquraadiga aheyd. Itoobiya waxay Komishanka qaranka Somaliland ugu hambalyaynaysqa doorashada xorta iyo xalaasha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya lagu sheegay “in qabashada doorashooyinkan ay ka turjumayaan qaangaarnimada dowladnimada Somaliland.”

“Nidaamkani waxa uu ka turjumayaa qaangaarnimada dowladnimada Somaliland iyo nidaamkeeda dimuquraadiyadeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Itoobiya.

Doorashooyinka Arbacadii ka qabsoomay Somaliland ayaa ku dhacay hanaan nabad-gelyo, ayadoo goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada korjoogteynayay ay dhankooda sheegeen inay u dhaceen hanaan cadaalad ah oo hufan.

Natiijada doorashadan oo lagu baaqay inay dhinacyadu aqbalaan ayaa waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo 21-ka bishaan, oo ah toddobaad un kadib maalintii loo dareeray doorashada.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleMa Dhabaa in Dowlada Soomaaliya xirtay Facebook Siciid Deni?
Next articleMuuse Biixi oo Ciro u Hambalyeey