Home Wararka Somaliya Galmudug Dowlada Itoobiya oo Ka Hadashay Hubkii Dhawaan Caabudwaaq lagu Boobay ee Itoobiya...

Dowlada Itoobiya oo Ka Hadashay Hubkii Dhawaan Caabudwaaq lagu Boobay ee Itoobiya Ka yimid

0

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in hubkii dhawaan shacabka Caabudwaaq qabsadeen, uusan waxba xariir ah la laheyn dhankooda Itoobiya, dawladda Soomaaliya ay iyadu leedahay masuuliyada hubka maareynta & bixintiisaba.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya Nebiyu Tedla oo la hadlayay VOA-da ayaa la weydiiyey in ay hubkan ka gadeen DFS iyo in kale, wuuse diiday in uu faahfaahin bixiyo.

Maalmo kahor, XFS ayaa warqad ay u dirtay safaaradaheeda dibada ku sheegtay in ay Itoobiya hubkaas soo galisay gudaha Soomaaliya, si sharci darro ah.

Hubkan, ayaa jahawareer xoogan galinaya DF Soomaaliya, sadex safaaradood oo kuyaala Addis Ababa, Nairobi & Mogadisha ayaa baaritaan adag ku jira.

Ad
Previous articleDowlada oo weerar Ku Qaaday Dad Daganaa Ceelasha Biyaha Lana Burburiyay Guryahoodii
Next articleAlshabaab oo Maantay Markale Hub Laga Soo Furtay(Sawiro)