Home Wararka Maanta Dowlada itoobiya oo goob fagaare ah uga Guulaystay Soomaaliya

Dowlada itoobiya oo goob fagaare ah uga Guulaystay Soomaaliya

0

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa guul wayn oo lama filaan ah ka gaartay Soomaaliya iyo Rwanda, kadib tartan ka dhacay magaalada caasimada ah ee dalkaas, kaas oo loo galay Golaha Fulinta ee Ururka Midowga Afrika.

Itoobiya ayaa heshay xubnimada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC), kadib markii loo doortay shalay oo Arbaco ahayd, intii uu socday shirkii 46-aad ee Golaha Fulinta ee Addis Ababab, kaas oo mudadeedu noqon doono 3 sano ee soo socota.

Natiijada codeynta oo la shaaciyay ayaa Itoobiya waxa ay heshay 38 cod, iyada oo sidaas ugu guuleysatay kursiga bariga Afrika, iyadoo ka sarreysa dalalka Rwanda iyo Soomaaliya oo helay hal cod iyo toban cod.

Guusha ay gaartay Itoobiya ayaa sii xoojin doonta joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee hay’adda ugu saamaynta badan dhinaca amniga ee Qaaradda Afrika, sidoo kalana ay haatan dalkeedu ku taallo xarunta dhexe ee Ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale, fursaddan ayaa Itoobiya waxa ay siineysaa awood kale oo  ku aaddan arrimaha nabadda iyo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo geeska Afrika oo dhan, maadaama ay hanatay kursigii bariga Afrika ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Kursigan oo ay ugu dambeyn kusoo baxday Itoobiyay ayaa waxaa loo galay loolan adag, iyada oo Soomaaliya ay bixisay dadaallo dheeraad ah, laakiin ma helin guushii ay fileysay, waana wax dhaco mar kasta oo la galo tartan ama doorasho.

Si kastaba, Itoobiya ayaa haatan dooneyso inay sii ballaariso joogintaankeeda Soomaaliya, ayna qayb ka noqoto howlgalka cusu  ee  AUSSOM oo sanadkan ka bilowday gudaha dalka.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articlenin darwal ahaa oo dad badan ku laayay magaalada Munich
Next articleCiidamada dowlada oo Xoog kusoo furtay Gaadiid iyo dad Alshabaab xoog ku Haysteen