Home Wararka Maanta Dowlada Imaaraadka Carabta oo Talaabo Cajiib ah Qaaday Kadib Markii loo Fasaxay...

Dowlada Imaaraadka Carabta oo Talaabo Cajiib ah Qaaday Kadib Markii loo Fasaxay Lacagtii FarmaajobKa Xayiray

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa goordhoweyd shaacisay in Soomaaliya ay ugu deeqday lacag gaareysa $9.5 Milyan, taasi oo ah gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah.

Deeqdaan oo amarkeeda uu bixiyay Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa qeyb ka noqon doonta taakulada dadka saameynta weyn ku reebeen abaaruhu, xili ay xaalada abaareed ee dalka ay kasii dareyso.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ujeedadoodu tahay in ay ka qayb qaataan daboolida baahiyaha dadka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa imaneysa saacado kadib markii lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee dowladda Soomaaliya ay xayirtay bishii April 2018 la fasaxay, ayada oo lagu wareejiyey safiirka dalkaas ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.”

Sii-deynta lacagtaas oo dhan $9.6 milyan ee maanta ayaa timid kadib go’aan kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagtaas, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Maxkamadda Ay noo xaqiijiyeen .

Kadib go’aankaas, ayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu lacagta ku wareejiyey safiirka Imaaraadka ee Muqdisho Mohamed Ahmed Al’uthman.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii Janaayo 2022 wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacagtaas oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, wuxuuna amray in la fasaxo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta u safray dalka Imaaraadka, halkaas oo uu uga qayb-galayo Aaska Madaxweynihii dalkaasi Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ee geeriyooday.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadihii u dambeeyey, kadib khilaaf soo kala dhex-galay iyaga dowladddii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo hadase wuxuu u muuqdaa inuu isbedal ku yimid kadib doorashada Xasan Sheekh.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiir uu ujoogaa magaalada Muqdisho, kaas oo durbo kulan toos ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, una hambalyeeyey.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleCiidamada Galmudug iyo Kuwa Gorgor oo Alshabaab kala Wareegay Fariisimo Hor leh(Sawiro)
Next articleP.M Rooble”  “Inaan u mahadceliyo ayaan rabaa si ufishal ahna inaan u dhoho Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wixii dhacay Cafa Laahu Camaa Salafa,”