Home Wararka Maanta Dowlada Imaaraadka Carabta oo Dadka Wata Pasport Soomaaliga U Diiday Fiisaha Dal...

Dowlada Imaaraadka Carabta oo Dadka Wata Pasport Soomaaliga U Diiday Fiisaha Dal ku Galka

0

Guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka oo kulan su’aalo weydiin ah la yeeshay madaxda wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa miiska soo saaray su’aal ku saabsan caqabad Soomaalida ka heysata dal ku galka wadanka Imaaraadka Carabta.

Xildhibaan Cumar Xaashi oo guddigaas ka mid ah ayaa wasiirka arrimaha dibadda, ku xigeenadiisa iyo agaasimayaal ka socday wasaaradda weydiiyey su’aal u dhigneyd “Waxaa nagu maqaalo ah in dowladda Imaaaraad-ka ay fiisaheeda u diiday Soomaaliya oo madaxdeenu ay ku safraan Passport ajnabi ah, markii ay u socdaan Imaaraadka?”

Raage, oo ah agaasimaha arrimaha Carabta ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayey wasiiradu u wakiisheen inuu ka jawaabo su’aashaan, isagoo shaaciyey halka ay caqabadu ka jirto.

“Waxaa dhacay isbedel ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka, xilligii maamulkii hore uu joogay, dowladda Imaaraadka ayaa markaas hakad gelisay baasaboorka Soomaaliya, ilaa hadda arrintaas lama xalin oo sidii ayuu hakad ugu jiraa,” ayuu yiri Agaasime Raage.

Wuxuu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee dalka Imaaraadka ay furan tahay, balse aysan weli shaqo bilaabin qeybta baasaboorrada ama bixinta fiisaha.

Agaasime Raage ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaalida ah ee dalbaday fiisaha ama dal ku galka Imaaraadka ay helaan intooda badan, iyadoo aysan fureyn waaxdii ku shaqada laheyd.

Wuxuu sheegay in arrintaas ay kala hadleen wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta, balse ay kala soo daaheen jawaabtii ay ka sugayeen.

Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu shaaciyey in safaaradaha caalamka u qaabilsan Soomaaliya ee degan Nairobi – Kenya ay ka dalbadeen inay u soo guuraan Muqdisho, isla markaana ay hadda ka fekerayaan halkii la dejin lahaa safaaradaha soo guuraya ee Muqdisho aan dhulka ku laheyn.

Ad
Previous articleDowlada Turkiga Oo Ka Carootay Talaabo ay Qaaday Wasaarada Caafmaafka Soomaaliya
Next articleWAR DEG DEG AH:Masuul Ka Tirsanaa Maamulka Gobalka Banaadir oo Si Hoose ula Shaqaynaayay Alshabaab oo U Baxsaday Deegaanada Alshabaab ay Maamusho