Home Wararka Caalamka Dowlada Iiraan oo Sheegtay Inaysan ka Tanaasuleyn tignoolajiyada nukliyeerka

Dowlada Iiraan oo Sheegtay Inaysan ka Tanaasuleyn tignoolajiyada nukliyeerka

0

Dowlada Iiraan oo Sheegtay Inaysan ka Tanaasuleyn tignoolajiyada nukliyeerka ee Dalkeeda kaasi oo Sabab u ahaa Dagaal qaatay Mudo 12 Maalin oo u Dhaxeeya Israel iyo Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas ≥Araghchi ayaa sheegay in Tehran ay aad uga go’an tahay in ay sii adkeysato barnaamijkeeda Nukliyeerka kadib weerarkii 12-ka maalmood socday ee Israel.

“Waxaan dadaal badan ku bixinay sidii aan u heli lahayn tignoolajiyadan, saynisyahannadu waxay sameeyeen naf-hurid aad u badan, waxayna xitaa naftooda ku waayeen hadafkan,” Arakchi ayaa u sheegay shabakadda wararka ee Al-Araby al-Jadeed.

“Dadkeennu wuxuu u adkeystay caqabado arrintan ku saabsan, waxaana dagaal lagu soo rogay ummaddeenna arrintan awgeed, waxaa hubaal ah in qof Irani ah uusan ka tanaasuli doonin farsamadan.”

Ad
Previous articleNetanyahu oo Sheegay in Israel ay gaartay Dhamaan Hadafyadii Dagaalka
Next articleSawiro:- Shacabka Iiraan oo u dabbaaldegaya Xabad Joojinta la gaaray