Home Wararka Maanta Dowlada Finland oo ku Dhagan Raysulwaasare Xamse iyo lacago la Musuqmaasuqay

Dowlada Finland oo ku Dhagan Raysulwaasare Xamse iyo lacago la Musuqmaasuqay

0

Dowladda Finland ayaa qaadatay go’aan lama filaan ah oo la xiriira kaalmo dhaqaale oo ay ku bixisay geedi socodka dib-u-heshiisiinta qaranka ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Finland ayaa la sheegay inay qorsheyneysa inay dib usoo ceshato dhaqaale dhan 50,000 oo Yuuro, kaasi oo markii hore ay ku shubtay hay’adda Finn Church Aid (FCA), looguna tala-galay hormarinta geedi socodka dib-u-heshiisiinta dalka.

Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in ay doonayso in dib loo soo celiyo lacagahaas, kadib markii shaki laga muujiyay in dhaqaalahaas si sax ah loo isticmaalay.

Tallaabadan ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland sheegtay inay timid kadib markii aysan suurta-gelin in la xaqiijiyo in dhaqaalihii loo isticmaalay si waafaqsan go’aanka deeqda dowladda dalkaasi.

Kharashkan ayaa waxay dowladdu bixisay 2021-kii, waxaana loogu tala-galay in lagu hormariyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta qaranka ee Soomaaliya.

Kaalmada dhaqaale ee Finland ayaa markii hore ujeedkoodu ahaa sidii loo xoojin lahaa ka qayb-galka ballaaran ee shacabka Soomaaliyeed ay ku yeelanayaan wada-tashiyada qaran, “loogana hortagayo in ay sii huriyaan qalalaasaha siyaasadeed ee doorashada kahor,” hase yeeshee lama xaqiijin karo in dhaqaalahaasi loo adeegsaday arrintaas.

Si kastaba, dowladda Finland gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa billowday baaritaan madax-bannaan oo la xiriira hawlaha ururka si loo hubiyo in ay qaadato tallaabooyin ku filan, taasi oo lagu xoojinayo hababka maaraynta kaalmada la siiyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleCulimada Muqdisho oo war ka soo saartay dadkii uu xalay uleeyey Gudoomiye Madaale
Next articleMooshin Culus oo ka Dhan ah P.M Xamsa oo la diyaariyay