Home Wararka Caalamka Dowlada Faransiiska oo Noqotay Dowladii Ugu Horaysay ee Ukrain Garab siisay

Dowlada Faransiiska oo Noqotay Dowladii Ugu Horaysay ee Ukrain Garab siisay

0

Dowladda Faransiiska ayaa hub iyo saanad kale oo milatari u dirtay dalka Ukraine, xilli ciidamada dalkaasi dagaal adag oo is difaacid ah kula jiraan ciidamada milatariga Ruushka ee ku duulay dalkaasi.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa uga mahadceliyay dowladda Faransiiska hubka iyo saanada milatari ee usoo direen, waxa uuna dowladdaha kale ka codsaday in ay taageero milatari lasoo gaaraan.

Emmanuel Macron ,Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in dhigiisa Ukraine uu ka dalbaday hub iyo saanad milatari, waxa uuna xusay in ay diyaar u yihiin in saanad milatari ku caawiyaan dalka Ukraine oo xaalad is difaac ah ku jira.

Dowladda Ruushka ayaa hanjabaad culus hawada u marisay dalalka doonaya in ay caawiyaan Ukraine, Xukuumadda Moscow ayaana sheegtay in ay cagta marin doonaan Ukraine iyo cid kasta oo garab siisa.

Dagaalka ka socda dalka Ukraine ayaana galay marxalad adag, waxa ayna ciidamada Ruushka isku dayayaan in ay la wareegaan gacan ku heyta magaalada Keiv si meesha uga saaraan jiritaanka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Volodymyr Zelensky.

Ad
Previous article11 kursi oo ka Mid Noqon Doona Golaha Shacabka oo La Shaaciyay
Next articleWararka ugu Danbeeyay Ruushka oo Qabsaday Magaalo Cusub, Duqeyn wali ku socota Kyiv