Home Wararka Caalamka Dowlada Eretria oo ka go’an ku gaartay inay ka Baxdo Ururka IGAD

Dowlada Eretria oo ka go’an ku gaartay inay ka Baxdo Ururka IGAD

0

Dowladda Eritrea ayaa maanta ku dhawaaqday inay ka baxday xubinnimada urur gobolleedka IGAD, kaddib warsaxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi. Eritrea ayaa ku eedeysay IGAD inuu lumiyey doorkiisii sharci iyo awooddii looga baahnaa inuu kaga qeyb qaato xasilloonida gobolka.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yiri: “Eritrea waxay isu aragtay inay ku qasban tahay inay ka baxdo xubinnimada urur lumiyay waajibaadkiisii sharci iyo awooddiisii, isla markaana ku fashilmay inuu si wax ku ool ah uga qayb qaato xasilloonida gobolka.”

Go’aankan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya, waxaana sidoo kale muuqda in IGAD uu sanadihii u dambeeyay lumiyay saameyntiisii siyaasadeed ee gobolka.

Eritrea waxay IGAD u aragtaa urur aan dhex-dhexaad ahayn, isla markaana u janjeera dhinaca Itoobiya, oo marar badan hoggaamin ku lahayd go’aamada ururka. Sidoo kale, inkastoo Jabuuti tahay xarunta IGAD, Eritrea wax xiriir diblomaasiyadeed ah kama dhexeeyo, taas oo sii adkaysay in ay ka shaqeyso gudaha ururka.

Ilaa hadda, IGAD kama aysan soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan go’aanka Eritrea.

 

Ad