Home Wararka Maanta Dowlad-goboleedka Puntland oo soo saartay Digniin culus

Dowlad-goboleedka Puntland oo soo saartay Digniin culus

0

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan roobab xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay degmada Laas-qoray oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Puntland ayaa waxa lagu sheegay in roobabkani ay gaysan karaan waxyeelooyin isugu jiro khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed, ayna uga digayaan bulshada deegaanka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in shacabka deggan gudaha iyo deegaannada hoos yimaada magaalada Laas-qoray looga baahan yahay in taxadar muujiyaan, si ay uga fogaadan khasaaraha ka dhalan kara roobka.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu si gaar ah farriin ugu dirtay dadka deegan xeebaha iyo meelaha biyo mareenka ah, iyada oo ka codsatay inay taxada muujiyaam.

“Waxaan shacabka ku nool nawaaxiga degmada laas-qoray ku wargelinaynaa inay ka fogaadaan xeebaha iyo meelaha biyo mareenka ah ee kuteedsan Laasqoray taxadar dheeri ahna muujiyaan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Hadaba waxaa bulshada ku dhaqan degaanada Puntland ku wargelinaynaa inay ka digtoonadaan meelaha biyo mareenka ah miyi, magaalo iyo xeebahaba sidoo kale dhamaan dadka degaanada Puntland dagan ayaa laga codsanayaa inay ogaadaan oo ka digtoonaadan khatarta ka dhalan karta roobabka xooggan oo sii kordhi kara.”

Marka laga yimaado digniinta kasoo baxday maamulka Puntland, ayaa haddane waxaa cabsi iyo xaalad adag ay soo wajahday dadka deegaanka ee ku dhaqan goobaa laga digay.

Horay Puntland ayaa waxaa ugu dhuftay roobab dabeylo wata oo khasaarooyin dhaliyay, waxaana kamid ah meelaha ay ku dhufteen magaalada Qardho oo ku taalla meel biyo mareen ah, waxaana labadii sano ee u dambeeyay soo gaaray khasaare kala duwan oo u badan burbur soo gaaray kaabayaashii magaalada, iyada oo dad badani ay ku cayroobeen, kadib markii daadadku ka burburiyeen hantidoodii ay ku tiirsanaayeen.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleFahad Yaasiin oo Weerar ku Qaaday Xasan shiikh
Next articleAmaanka Madaxtooyada Soomaaliya oo aad loo adkeeyey Maxaa soo kordhay