Home Wararka Maanta Doorku Maraynkanku kulahaa Heshiiskii anka ee Itoobiya iyo Soomaaliya iyoSida loo qancin...

Doorku Maraynkanku kulahaa Heshiiskii anka ee Itoobiya iyo Soomaaliya iyoSida loo qancin Doono Masar Jabuuti iyo Ereteriya?

0

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa ah masuulkii ugu dambeeyay oo ka hadla heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna qoraal ku sheegay in heshiiska uu cago adag ku taaganyahay.

Heshiiskan ma ahan mid caadi ah, lamana mid ahan dhammaan heshiisyadii dowliga ahaa ee Soomaaliya la gashay dalalka dunida. Waxaaba lagu doodi karaa in uu yahay mid dalka ka badbaadiyay halistii ugu cuslayd ee dhowaanahan soo marta qaranimadeena. Heshiiskan kaliya muusan quseynin is fahamsii Somaliland, ee wuxuu ka hortagayaa isku dayga kasta oo Itoobiya ku damacdo in ay ugu soo xadgudubto qeybo ka mid ah dalka.

Maalin ka hor heshiiska, xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Antony Blinken ayaa taleefoon kula hadlay Raisulwasaare Abiy Axmed, kuna cadaadiyay in uu Ankara aado, saxiixana heshiiska ay Turkida soo bandhigeen.

Tani waxa ay ka dhigantahay in heshiiska uu haysto damaanad qaadka dowladdo awood u leh korjoogtaynta fulintiisa. Waxaa sidoo kale heshiiska aad usoo dhoweeyay dalal badan oo ka mid ah kuwa saaxiibada la ah Soomaaliya.

Balse heshiiskan wuxuu yeelan karaa caqabadihiisa, waase kuwa la maareyn karo. Tusaale Masaarida, Jabuuti iyo Eritrea oo shuruud la’aan isku barbar taagay Soomaaliya markii Itoobiya qamaamka ahayd ayaa u arki kara heshiiskan in uu halis ku yahay.

Waxayse ku xirantahay damaanad-qaadka madaxda iyo diblumaasiyiinta Soomaalida siiyaan dalalkan saaxiibada ah.

Hadalkii dhowaan uu qorey wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi ee ahaa in arrimaha Itoobiya la xiriira ay u dhacayaan si daahfurnaan ah, waa hadal dhiirogalin leh, muujinaya in ay jirto baraarugsanaan culus ee xagga dareenka shacabka.

W/Q: Cabdinassir Axmed Sheekh Bashiir

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSaraakiil Sar sare oo alshabaab kuna jiraan Ajaanib oo xalay lalaayay
Next articleDowlada Masar iyo Faransiiska oo ka hadlay Heshiiska Somaliya iyo Itobiya