Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa haatan ka socota qaban-qaabada doorashada guddoonka cusub ee golaha wakiilada Jubbaland, taas oo maanta ka dhaceysa gudaha magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada guddoonka ay hadda ka socoto Kismaayo, waxaana aad loo adkeeyay amniga magaaladaasi.
Musharixiinta tartamaya ayaa la diiwaan-geliyay shalay, waxayna u badan yihiin xubno taabacsan madaxweynaha hadda talada haya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Labada nin ayaa ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii si nabdoon oo hufan ay ugu dhammaan lahayeen qeybaha dhiman ee doorashooyinka Jubaland.
Doorashada guddoonka ee maanta dhaceysa waxaa xigi doonto midda madaxtooyada oo iyana la qabanayo isla 25-ka bishaan Novermber, taas oo lagu wado in mar kale lagu soo doorto madaxweyne Axmed Madoobe.