Home Wararka Maanta Doorashadii Xasan Shiikh Maxamud oo soo afjartay Rajadii Afwerki(Xog)

Doorashadii Xasan Shiikh Maxamud oo soo afjartay Rajadii Afwerki(Xog)

0

Doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay soo afjarto awooddii madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee Geeska Afrika.

Afwerki ayaa 2018-kii wuxuu heshiis saddex geesood ah oo amni la galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abi Ahmed Ali.

Heshiiskaas oo markii hore xogtiisa la qariyey ayaa waxaa xilli dambe soo baxday in ujeedkiisu ahaa weerarkii lagu qaaday gobolka Tigray ee Ethiopia, halkaasi oo ay maamulaan kooxda cadaawadda kala dhaxeysa Afwerki ee TPLF, si Abiy loogu qabto.

Waxaa sidoo kale ku jiray in Itoobiyaanka iyo Eraitrean-ka ay Farmaajo ka taageeraan inuu qabsado Soomaaliya, hase yeeshee waxaa taas fashiliyey iska caabintii ciidanka Badbaado Qaran iyo guuldarradii uu Abiy kala kulmay Tigray-ga.

Weerarka uu Abiy ku qaaday gobolka, ayaa waxaa sidoo kale la ogaaday inay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee uu Farmaajo tababarka ugu diray Asmara.

Omar Mahmood, oo ah khabiirka ururka xasaradaha caalamiga ah ee ICG u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskaas uu hadda yahay “mid ka kooban kaliya laba dhinac” marka uu ugu wanaagsan yahay, haddiiba aanu dhiman.

“Inkasta oo Hasan Sheekh uusan dooneyn inuu fogeeyo Eritrea, haddana waxaan ku raacsanahay in Isaias uu lumiyey saaxiib uu ku lahaa Muqdisho,” ayuu yiri Tobias Hagmann oo xiriirka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Roskilde University ee dalka Denmark.

“Xulufada Eritrea mar walba wa kuwo fursad gaad ah oo cimri gaaban, waxaana Afwerki uu mar horeba billaabay inuu xiriir la yeesho Amxaarada Ethiopia ee dagaalka kula jiray Tigrayga tan iyo bishii November ee 2020,” ayuu yiri Hagmann.

Guuldarrada Farmaajo ayaa waxaa soo dhoweeyey Kenya oo ay marar badan isku dhaceen maamulkiisa.

Mehari Taddele Maru, oo ah taxliiliye ka tirsan Jaamacadda European University Institute ee magaalada Florence ee Talyaaniga ayaa u arka doorashada Xasan Sheekh mid “guul weyn u ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika” oo xiisad lagu geliyey heshiiska saddex geesoodka.

 

 

 

 

 

 

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleDiyaarada Turkish Airline oo Sabab layaab leh ku joojisay Dulimaadki ay ku imaan Jirtay Muqdisho
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Sheegay inuu Baabiin Doono nidaamka 4.5