Home Wararka Maanta Doorashada Madaxweynaha Kenya oo weji cusub yeelatay.

Doorashada Madaxweynaha Kenya oo weji cusub yeelatay.

0

Waxaa weli socota tirinta codadka doorashadii madaxweyne ee Talaadadii ka dhacday dalka Kenya, ayada oo weli uusan jirin musharax si la taaban karo ugu hormaray natiijada.

Ayada oo qiyaastii 16 milyan oo Kenyan ah ay codeeyeen, ayaa waxaa hadda la tiriyey codadka in ka badan 10 milyan, oo macnaheedu yahay in ku dhowaad laba meelood saddex meel ay soo baxday natiijada.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto iyo siyaasiga rug cadaaga ah horeyna usoo noqday ra’iisul wasaare Raila Odinga ayaa labadaba midba mar qabanaya hoggaanka natiijada codadka.

Arbacadii shalay waxaa inta badan hoggaanka hayey Ruto, hase yeeshee Raila ayaa xalay soo xoogeystay, oo dhowr mar codad la taaban karo hoggaanka ku qabtay. Natiijadii ugu dambeysay ayaa muujineysa inuu hadda horeeyo Raila oo Ruto ku hoggaaminaya codad ah 51% iyo 48%.

Si kastaba ayada oo ay harsan yihiin in la tiriyo in ka badan 6 milyan oo cod oo kale, waxa la kala horeeyana ay yihiin dhowr boqol oo kun kaliya, ayaa mar walba ay wax isbeddeli karaan

Haddii musharaxna uusan helin in ka badan 50% codadka, waxaa dhici doono wareeg doorasho oo kama dambeys oo kala bax ah, oo ay ku loolami doonaan Ruto iyo Odinga kaliya. Doorashadii Talaadadii ayaa waxaa ku jiray laba musharax oo kale oo aan haysan taageero badan.

Guddiga doorashada Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa laga doonayaa inay natiijada rasmiga ah ku dhowaaqaan ugu dambeyn 16-ka August

Inta badan shacabka Kenya ayaa filaya in Ruto iyo Odinga midkii laga guuleystaba uusan natiijada aqbali doonin isaga oo aan ka loolamin, sababtoo ah Kenya kama dhici doorasho aan muran iyo loolan xigin tan iyo 2002.

 

 

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleBanaanbaxyo waawayn oo rabshada wata oo ka socdo Somaliland
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Ciidamo Ka Mid Noqonaaya Kuwa Galmudug Saakay Tababar U Furay(Sawiro)