Home Wararka Maanta Doorashada Konfur galbeed oo Maanta bilaabanaysa

Doorashada Konfur galbeed oo Maanta bilaabanaysa

0

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Maanta ka bilaabaneysa doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeybta ka imaaneysa degaannada Doelad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Shalay ayaa Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed. waxaa ay diiwangeliyeen 10 Xubnood oo ku tartamaya Shan kamid ah kuraasta Aqalka Sare, waxaana kujira Saddex Haween ah oo ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa saaka laga dareemayaa qaban qaabada doorashada, waxaana Xubnaha tartamaya ay marka hore khudbaddo ay u jeedin doonaan Xildhibaannada Koonfur Galbee kadibna ay bilaaban doonto doorashada.

Kulanka lagu dooranayo qaar kamid ah Xldhibaannada Aqalka Sare Ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa goobjoog ka noqonaya Xubn ka tirsa guddiga doorashooyinka & Gudiga xalinta khilaafadka ee Heer Federaal & mas’uuliyiin kale.

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwo ka tirsan AMISOM ayaa Maanta siweyn uga qeyb qaadan doona sugida amniga Magalada Baydhabo gaar ahaan Goobta lagu qabanayo doorashada Aqalka sare.

10 Xubnood ee Maanta ku tartami doona Shanta Kursi ee Xildhibaannada Aqalka ee doorashadooda ka dhici doonto Baydhabo, kuwaas oo shalay qaatay shahaadada musharaxnimo ayaa waxaa Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Aadan Cabdinasir Maxamed

Maxamed Xasan Aadan

2: Dr. Xuseern Maxamed Daahir

Xasan Maxamed Nuur

3: Zamzam Ibrahim Cali

Shariifo Xaji Cusmaan Ibraahim

4: Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey )

Nuur Baabul Cadow

5: Ayaan Aadan Cabdulaahi

Farxiyo Nuur Aadan

Maamulka  Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa in uu noqdo Maamulkii labaad ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo maamulada kale ee dalka aysan xilligaan u muuqan kuwo doorasho bilaabi kara.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleJabuuti oo ka hadashay Rabshado ka dhacay caasimada jabuuti
Next articlesidee Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Loogu soo dhaweeyay Galgaduud {SAWIRO}